Borussia Dortmund oo silama filaan ah ku ceyrisay macalin Thomas Tuchel iyo sababta oo la ogaaday

0
1703

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ceyrisay tababare Thomas Tuchel oo laba maalmood ka hor ku ku guuleystay koobka Germany sida ay sheegayaan wararka lagu daabacay wargeyska Bild.

43-sano jirkaan oo shaqada Signal Iduna Park kala wareegay Jurgen Klopp, ayaa kooxdan ku hogaamiyay todobaadkii la soo dhaafay koobka Germany.

Laakiin xiriirka kala dhaxeeya madaxda kooxda oo aad uxun ayaa keentay in shaqada laga ceyriyo maanta, sida lagu shaaciyay wargeyska Bild.

kooxda Dortmund ayaa diiday in ka hadasho ceyrinta macalinkaan oo war lama filaan ah ahaa.

Bogga Twitterka ayuu kusoo qoray macalinkaan , “Waan ku faraxsanahay muddo laba sano ah oo qurux badan inaan la qaatay kooxda Borussia Dortmund, aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerayaasha, ciyaartooyda iyo maamulka kooxda.

Taageerayaasha, kooxda, shaqaalaha iyo dhamaan qofkasta oo ah BVB waan ku faraxsanahay qabka uu ila shaqeeyay ayuu yiri macalinkaan.

Lacag Magdhow ah oo lagu sheegay £ 2.5million ayuu heli doonaa macalinkaan madaama la kansalay heshiiskiisa kooxda sida uu ku waramay wargeyska Bild.

July 2015, Tuchel ayaa la waregay shaqada kooxda Dortmund, oo xaalad niyad jab ah ku qaadatay Bundesliga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan