DEG DEG: Atletico Madrid oo ku guuldareysatay Racfaankii ay ka qaateen ganaaxa ka saaran suuqa

0
750

Atletico Madrid ayaa laga soo diiday rafcaankii ay ugudbiyeen Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sport ee loosoo gaabiyo (CAS).

Kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaa racfaankaan ka qaadatay ganaaxii suuqa kala iibsiga ka saareen FIFA, taasoo la micno ah in ay sugi doonaan ilaa January 2018.

Arintaan ayaa dhabar jab weyn ku ah qorshaha suuqa kooxda ee bilowga xili ciyaareedka dambe.

Atletico Madrid ayaa ku guuldareysatay in ay ku guuleysato racfaankaan ay ka qaateen ganaaxa FIFA-ay ka saareen suuqa, kadib markii lagu eedeeyay in si sharci daro ah u iibsadeen ciyaartooy dhalinyaro ah.

Kooxda ay ku xifaaltamaan La Liga ee Real Madrid ayaa hore ugu guuleysatay ganaax ka saarnaa suuqa kala iibsiga kadib markii ay racfaan kan ioo kale ah u gudbiyeen Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Sport ee loosoo gaabiyo (CAS).

FAAH-FAAHINTA LASOCO….

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan