Liverpool oo heshiis ay kula soo saxiixaneyso la meeldhigtay xiddig hore ugu soo ciyaaray Chelsea (Warbixin)

0
1711

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhow dahay dhammeystirka heshiis ay kula soo saxiixaneyso garabka kooxda AS Roma Mohamed Salah, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Italy.

Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa caddeeyey inay Reds heshiis la meeldhigtay wakiilka 24 sanno jirkaan u dhashay dalka Masar kaasoo haatan ku sugan dalka Ingiriiska, waxayna kooxda ka dhisan Anfield Road haatan u baahan tahay inay qiimaha Salah kala heshiiso kooxdiisa Roma.

Warbixintaan ayaa sheegeysa inuu Salah u sheegay asxaabtiisa inuu heysto fursad uu kula laabto horyaalka xiisaha iyo xamaasadda badan ee England Premier League.

Hase yeeshee, Liverpool ayaa ku qasban inay qiimihiisa lacageed kala heshiiso kooxda Roma. Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaana sheegaya inay Roma xiddigaan ku dooneyso 35 milyan oo yuuro, ayna u furan tahay inay iibiso xagaagaan maadaama qandaraaskiisu uu dhacayo 2019ka.

Roma ayaa xitaa calaameysatay bedelka Salah waxayna dooneysaa inay lasoo wareegto garabka kooxda Sassuolo Domenico Berardi.

Sida laga soo xigtay majaladda Liverpool Echo, tababare Jurgen Klopp ayaa damacsan inuu Liverpool ka xoojiyo dhanka weerarka maadaama ay xilli ciyaareedka soo aadan ka qeybgeleyso tartanka UEFA Champions League, Salah oo dhaliyey 15 gool, caawiyeyna 11 gool xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 horyaalka Serie A ayuuna u arkaa mid ku habboon kooxdiisa.

Liverpool ayaa hore ugu guuldarreysatay saxiixa xiddiga reer Masar Salah bishii Janaayo 2014kii, markaasoo uu doortay inuu heshiis 11 milyan ah kula biiro kooxda Chelsea, balse waxay Blues ka iibisay Roma sannadkii lasoo dhaafay ka dib markii uu keliya 19 kulan u saftay.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan