UEFA oo ku dhawaaqday in ay Abaalmarin Madexeed guddoonsiin doonto Francesco Totti

0
1086

Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee UEFA ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay Abaalmarin Madexeedka FIFA dufcaddeeda 17′ ay guddoonsiin doonaan Bisha Agoosto Kabtankii hore ee kooxda Roma ee dhowaan ciyaaraha ka fariistay Francesco Totti.

Guddoomiyaha UEFA Aleksander Ceferin ayaa sheegay in Totti uu abaalmarintani ku muteystay kaddib sidii wacneyd ee uu xirfaddiisa ciyaareed ugu hibeeyay Roma, isagoo ku tilmaamay inuu lahaa shaqsiyad wanaagsan oo ku dayasho mudan.

“waxa uu ahaa nin ku dhowaad rubuc qarni noloshiisa ka mid ah u soo ciyaaray kooxdii uu jeclaa ee Roma” ayuu yiri Guddoomiyaha UEFA Ceferin oo u hambalyeeyay Totti.

Dhinaca kale abaalmarintan qiimaha leh ayaa waxaa horey loo siiyay 17 qofood oo kala ah:

 

1998: Jacques Delors (European Commission, France)
1999: —-
2000: Guy Roux (France)
2001: Juan Santisteban (Spain)
2002: Sir Bobby Robson (England)
2003: Paolo Maldini (Italy)
2004: Ernie Walker (Scotland)
2005: Frank Rijkaard (Netherlands)
2006: Wilfried Straub (Germany)
2007: Alfredo Di Stéfano (Spain)
2008: Sir Bobby Charlton (England)
2009: Eusébio (Portugal)
2010: Raymond Kopa (France)
2011: Gianni Rivera (Italy)
2012: Franz Beckenbauer (Germany)
2013: Johan Cruyff (Netherlands)
2014: Josef Masopust (Czech Republic)
2015: —-
2016: —-
2017: Francesco Totti (Italy)

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan