VIDEO: Daawo muuqaal qeexaya xirfadda Mohamed Salah oo ku dhow inuu kusoo biiro Liverpool – farsamo waa ku dhammaatay!

0
1126

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay heshiis ku kacaya 35 milyan oo yuuro kula soo wareegto laacibkii hore ee kooxda Chelsea Mohamed Salah.

Garabka u dhashay dalka Masar ayaa xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 wuxuu wacdaro ka dhigay horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga isagoo kooxdiisa AS Roma ka caawiyey inay ku dhammeysato kaalinta 2aad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Hadaba halkaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa muuqaal sharraxaya qaab ciyaareed ahaan sida uu heer sarre u yahay Mohamed Salah oo qarka u saaran inuu kusoo biiro Reds ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la meeldhigtay wakiilkiisa, waxaana haatan u dhimman inay qiimihiisa kala heshiiso kooxdiisa Roma.

Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa muuqaalkaas sharraxaya, Mohamed Salah goolasha uu dhaliyey, xirfaddiisa iyo goolasha uu caawiyey intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan