Arsenal, Liverpool iyo Man Utd oo waqti isku mid ah war wanaagsan helay – wuxuuna ku saabsan yahay Neymar-ka qaaradda Africa

44
4788

Jeebweynta dalka Faransiiska Paris Saint-Germain ayaan wax dalab ah kasoo gudbin weeraryahanka u dhashay dalka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, sida ay xaqiijisay kooxda Borussia Dortmund.

Kooxda ka dhisan Jarmalka ayaa caddeysay in PSG ama koox kale aysan dalab toos ah kasoo gudbin xiddigeeda ugu muhiimsan, kaasoo ay doonayaan kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League ee Manchester United, Arsenal iyo Liverpool.

27 sanno jirkaan Aubameyang ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu doonayo inuu xagaagaan ka tago kooxdiisa Borussia Dortmund, Isbuucaan oo dhan wararku waxay sheegayeen inay PSG ku dhow dahay inay kula soo wareegto 61 milyan oo ginni.

Balse haatan kooxda Borussia Dortmund ayaa gabi ahaanba wararkaas xanta ah meesha ka saartay, Agaasimaheeda Ciyaaraha Michael Zorc ayaana sheegay in aysan jirin koox wax dalab ah kasoo gudbisay adeegga Pierre-Emerick Aubameyang.

Michael Zorc ayaa u sheegay shabakadda Ruhr Nachrichten: “Waqti xaadirkaan, ma jiraan wax dalabyo ah oo aan ka helnay kooxaha adduunka oo dhan”.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa si gaar ah isugu heystay saxiixay Neymar-ka qaaradda Africa kaasoo dhaliyey 120 gool 189 kulan oo uu u saftay kooxdiisa BVB. Kuna darso tababare Jurgen Klopp ayey ka go’an tahay inuu xiddigaan kula midoobo Reds isagoo sannadkii 2013kii keenay Borussia Dortmund markaasoo uu kasoo iibsaday kooxda Faransiiska ka dhisan ee AS Saint-Etienne.

Dhibaatada ugu weyn ee heysata tababare Arsene Wenger ayaa noqoneysa inuu Aubameyang ku qanciyo kusoo biirista kooxda Arsenal oo aan xilli ciyaareedka soo aadan ka ciyaari doonin tartanka UEFA Champions League. Kuna darso inay BVB xaalad kala guur ah ku jirto ka dib markii ay raacdeysay tababareheedii Thomas Tuchel.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

44 Fikradaha Akhristayaasha

  1. Ã…rh den er sååå god !! her for et par uger siden var der 25 % pÃ¥ alle dufte i Matas, sÃ¥ tænkte nu skulle det være, men sÃ¥ var der udsolgt :/ købte derfor daisy i stedet, som jeg normalt bruger, vil dog sige at jeg fortryder købet, da jeg føler at jeg trænger til en “ny” duft 🙂

  2. The tips you discussed here are rather priceless. It absolutely was such a pleasurable surprise to see that looking forward to me immediately i woke up today. They are usually to the point and straightforward to understand. Thank you very much for the thoughtful ideas you’ve shared here.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan