AS Roma oo kasoo jawaabtay dalabkii 28ka milyan ahaa ee ay Liverpool ka gudbisay xiddig hore ugu soo ciyaaray Chelsea

0
1164

Kooxda AS Roma ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa inay iska soo diiday dalabkii furitaanka ee ay kooxda Liverpool kasoo gudbisay xiddigeeda garabka ka ciyaara Mohamed Salah, kaasoo ahaa 28 milyan oo ginni.

Dalabka ka yimid Liverpool ee ku socday Salah ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu tijaabo ka ahaa Reds, labada dhinac ay ganacsigaan uga heshiiyaan, si kastaba ha ahaatee, Roma waxay u sheegtay maamulka Liverpool inay ku qasban yihiin inay bixiyaan 40 milyan oo ginni haddii ay si dhab ah u doonayaan saxiixa Salah.

24 sanno jirkaan u dhashay dalka Masar Mohamed Salah ayaa wuxuu wacdaro ka dhigayey horyaalka Serie A tan iyo markii uu ka tegay kooxda Chelsea, wuxuuna dhaliyey 19 gool isagoo caawiyey 15 gool oo kale xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan, kuna darso inuu ka ciyaaro garabka midig ee weerarka.

Tababare Jurgen Klopp ayaana doonaya inuu Salah kusoo celiyo horyaalka England Premier League ka dib markii uu xiddigaani faloob ku noqday Stamford Bridge, wuxuuna tababaraha u dhashay dalka Germany aaminsan yahay inuu Salah horumarin karo kooxdiisa ka dhisan Anfield Road.

Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaase sheegaya inay Roma iska soo diiday dalabkii furitaanka ee Liverpool, balse waxaa la filayaa inay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Liverpool ayaana ku qasban inay sarre u qaado yabooheeda si ay gacanta ugu soo dhigto Salah, sababtoo ah maamulka kooxda Roma ayaa u sheegay inuu xiddigooda reer Masar u qalmo 40 milyan oo ginni.

Reds ayaa u baahan inay lasoo saxiixato xiddigo wanaagsan oo ay wacdaro uga dhigi karto tartanka UEFA Champions League oo ay xilli ciyaareedka soo aadan ka qeybgeli doonto, Salah ayaana ah xiddig ku habboon, isagoo seegay keliya lix kulan oo horyaalka Serie A ah xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017, afar ka mid ahna wuxuu ku maqnaa tartanka Africa Cup of Nations.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan