Daawo 31ka gool ee uu Aubameyang ka dhaliyey horyaalka Bundesliga ololahaan, waxaana xiddigaan doonaya Arsenal, Man Utd, Liverpool & PSG (Video)

44
3363

Jeebweynta dalka Faransiiska Paris Saint-Germain ayaan wax dalab ah kasoo gudbin weeraryahanka u dhashay dalka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, sida ay xaqiijisay kooxda Borussia Dortmund.

Kooxda ka dhisan Jarmalka ayaa caddeysay in PSG ama koox kale aysan dalab toos ah kasoo gudbin xiddigeeda ugu muhiimsan, kaasoo ay doonayaan kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League ee Manchester United, Arsenal iyo Liverpool.

27 sanno jirkaan Aubameyang ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu doonayo inuu xagaagaan ka tago kooxdiisa Borussia Dortmund, Isbuucaan oo dhan wararku waxay sheegayeen inay PSG ku dhow dahay inay kula soo wareegto 61 milyan oo ginni.

Balse haatan kooxda Borussia Dortmund ayaa gabi ahaanba wararkaas xanta ah meesha ka saartay, Agaasimaheeda Ciyaaraha Michael Zorc ayaana sheegay in aysan jirin koox wax dalab ah kasoo gudbisay adeegga Pierre-Emerick Aubameyang.

Tani waxay farxad u tahay kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League ee Arsenal, Liverpool iyo Manchester United oo dhammaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa dhammaan 31 gool oo uu ka dhaliyey horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii dhammaaday 2016 illaa 2017, isagoo ku guuleystay Abaalmarinta Gooldhalinta Horyaalka Jarmalka.

 

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

44 Fikradaha Akhristayaasha

  1. Actually, they are simply plays, entertainment (maybe with a message, maybe not). Not too sure about Lysistrata having anything to do with Israel vs Palestine but I’m not a play critic. Don’t you think it would be pretty difficult to arrange 24,000 manuscripts to all contain the same errors? Sounds like a rather behemoth task to me. Remember 250 years is the MAX time for the entire New Testament, portions of it were much less.

  2. I’m glad you found the post amusing!It’s embarrassing, but I often do pretty much EVERYTHING I’ve mentioned above whenever I’m going through hard times. I guess it’s funny because it’s true – we often do things we know full well we shouldn’t do!“keep calm and change the game”… love it!

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan