HESHIIS HORDHAC AH: Manchester United oo gacanta kusoo dhigtay mid ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee ugu fiican horyaalka Serie A

0
4169

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in dalab ay sarre u qaaday ay ka gudbisay xiddiga qadka dhexe ee u dhashay dalka Croatia Ivan Perisic, waxaana xitaa dalabkaas aqbalay kooxda Inter Milan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Italy.

Manchester United ayaa la filayaa inay lacag badan ku qarash gareyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xilli ciyaareedkaan ka dib markii tababare Jose Mourinho uu ka caawiyey inay usoo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Inter Milan ay xaqiijisay inay Red Devils xiiso dhab ah u qabto xiddiga qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Croatia Croatia Ivan Perisic.

Dalabkii furitaanka Man Utd ay ka gudbisay Ivan Perisic ayaa wuxuu ahaa 26 milyan oo ginni, balse dalabkaas waxaa iska soo diiday Inter Milan. Si kastaba ha ahaatee, wargeyska CalcioMercato ee dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Man Utd ay dalabkeeda labaad kordhisay iyadoo ka dhigtay 45 milyan oo ginni, waxaana markaan aqbashay Inter.

Shabakadda CalcioMercato ayaana sheegeysa inay Man Utd Isbuuca soo aadan dhammeystiri doonto saxiixa 28 sanno jirkaan Ivan Perisic.

Ivan Perisic wuxuu qaadan doonaa 85 kun oo ginni Isbuucii marka uu kusoo biiro Man Utd, sida ay warbixintaani sheegeyso.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan