Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo ku booriyey Man United inay la saxiixato xiddig ka ciyaara Madrid… (Ogow sababta?)

0
2259

Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain Sergio Ramos ayaa ku booriyey Manchester United inay la saxiixato Antoine Griezmann, taasoo uu ku sheegay inay war wanaagsan u tahay kooxda uu hoggaamiyo tababare Zinedine Zidane.

26-sano jirkaan Griezmann ayaa la warinayaa inuu kooxdiisa Atletico Madrid u sheegay in uu doonayo inuu isaga tago garoonka Vicente Calderon, isla markaana ka ciyaaro koox kale xilli ciyaareedka cusub.

Waxa uu horay u sheegay Griezmann in tobankii fursadoodba uu lix ugu biiri karo Man United, taasoo diyaar ula ah inay xiddigan ka bixiso 85 milyan oo Pound.

Inkastoo ay Man United u soo baxday Champions League ololaha soo socda, haddana kaddib markii kooxda Atletico Madrid laga soo diiday racfaankii ay ka qaadatay xayiraadda ka saran suuqa kala iibsiga xiddigaha waxaa soo baxay war kale oo sheegaya in kooxda ka dhisan caasimadda Madrid ay ku fara adaygi doonto xiddigaha ay hadda haysato, maadaama aysan suuqa gali karin ilaa sanadka 2018-ka, taasoo loo fasiray in Man United ay ku guuldarreysatay saxiixa xiddiga reer France ee Griezmann.

Kooxda Real Madrid oo berri ciyaari doonta final-ka Champions League ayaa soo gabagabaysay abaartii shanta sano ka haystay horyaalka La Liga oo ay hanteen xilli ciyaareedkan, kabtanka kooxdaas ee Ramos ayaana sheegaya in warka Griezmann ee ah inuu ku biirayo Man United uu yahay mid laga soo dhawaynayo garoonka Bernabeu.

“Ciyaaryahan waliba dunidiisa ayuu jooga, mid waliba waa in uu go’aansadaa meesha uu rabo in uu ka dheelo, waa in uu go’aan ka gaaraa waxa uu rabo in uu sameeyo.” ayuu yiri kabtan Ramos.

“Haddii kooxda Manchester United ay ka qaadato Atletico, hal dhib ayaa naga haray haddaan nahay Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.” ayuu hadalkiisa ku daray Ramos.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan