Mario Balotelli oo markaan suuq yeeshay, balse imisa kooxood ayaa dooneysa xiddigaan?

0
2211

Kooxda Borussia Dortmund ee ka dhisan dalka Jarmalka iyo kooxda Marseille ee ka dhisan dalka Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabaan weeraryahan Mario Balotelli, sida laga soo xigtay wakiilkiisa Mino Raiola.

Raiola oo la hadlay wargeyska La Corriere dello Sport ayaa wuxuu daaha ka qaaday inay labadaan kooxood xiiso dhab ah u qabaan weeraryahankii hore ee kooxaha Inter Milan, Manchester City, AC Milan iyo Liverpool.

Raiola ayaa u sheegay wargeyska La Corriere dello Sport: “Balotelli waa uu i aaminsan yahay aniga. Shaqsi i qaas ah ayaan u ahay, waana ogyahay middaas. Miyuu kusii nagaan doonaa kooxda Nice? Waan arki doonaa waxa dhaca. Balse waxaa doonaya kooxaha Borussia Dortmund iyo Marseille.

“Qaab ciyaareed wanaagsan ayuu xilli ciyaareedkaan kusoo bandhigay Nice, laakiin Mario waa inuu si adag u shaqeeyaa sababtoo ah fursadda uu heysto ayaa aad u yar”.

Super Mario ayaa dhaliyey 15 gool 23 kulan oo horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska uu saftay xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017, wuxuuna qandaraaskiisa kooxda Nice ahaa mid hal sanno ah.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan