RASMI: Kooxda AC Milan oo dhammaystirtay saxiixa Franck Kessie… (Daawo sawirrada)

0
885

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystiray saxiixa ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga dheeli jiray naadiga Atalanta ee Franck Kessie, waxaana uu u saxiixay heshiis labo sanadood ah.

AC Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay isla markaana soo bandhigtay saxiixeedan cusub ee Franck Kessie, kaasoo mid joogto ah noqon doono sanadka 2019-ka.

“Waxay ku dhawaaqaysaa kooxda AC Milan inay Atalanta ka soo qaadatay xiddigeedii Franck Kessie, kaasoo saxiixay qandaraas soconaya ilaa 30 bisha June sanadka 2019-ka,” ayuu u dhignaa qoraal ay kooxda Rossoneri ku soo qortay webite-keeda rasmiga ah.

Franck Kessie ayaa 6 gool dhaliyey 30 kulan oo uu u ciyaaray kooxda uu ka soo wareegay ee Atalanta, iyadoo ay kooxdiisu ku dhammaysatay kaalinta afaraad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Kessie ayaa dhanka kale noqonaya laacibkii labaad ee ku soo biira AC Milan kaddib daaca dhexe ee Mateo Musacchio.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan