Alvaro Morata oo aqbalay inuu ka ciyaaro Talyaaniga… (Yaa ku guuleystay saxiixiisa Juventus iyo AC Milan?)

0
1374

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata ayaa la soo warinayaa inuu ogolaaday inuu markale ka ciyaaro dalka Talyaaniga, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro AC Milan.

Dhaliyaha kooxda Real Madrid ayaa si wayn loola xiriirinayey inuu u dhaqaaqi doono garoonka San Siro, inkastoo aan wali la isla meel dhigin qiimaha, haddana waxaa la soo jeedinayaa inuu heshiis shaqsi ah la gaaray Milan.

Sida ay warinayso shabakadda ciyaaraha ee Goal.com 24-sano jirkaan ayaa ogolaaday heshiiska uu ugu biirayo Milan isagoo kooxdiisan cusub aamisan inuu ka heli karo mushaarka uu u baahan yahay, isla markaana ay kooxda La Liga siin karto lacagaha ay ku doonayaan.

Inkastoo kaliya uu safka hore tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan ku soo bilowday 17 kulan, Morata ayaa dhaliyey 20 gool, kooxdiisa Real Madrid ayaana la fahansan yahay inay saxiixiisa ku dalban doonto ugu yaraan 50 milyan oo pound.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka kooxda AC Milan ee Vincenzo Montella oo sanadkii hore kooxdaas la wareegay shaqada Milan ayaa doonaya inuu kooxda dib u dhis wayn ku sameeeyo isla markaana uu keensado saxiix kasta oo suuragal u noqon kara.

AC Milan ayaana hadda u muuqata inay saxiixa Morata kaga guuleystay Juventus, kaasoo kooxda marwada duqda ah ku soo qaatay labo sanadood waayihiisii Talyaaniga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan