Kooxaha Juventus iyo Real Madrid oo barbareeyey rikoor ay horay u dhigtay AC Milan

0
566

Kooxaha Juventus iyo Real Madrid oo caawa wada ciyaari doona kama dambeysta koobka horyaallada Yurub ee Champions League ayaa barbareeyey rikoor ay horay u dhigtay naadiga AC Milan ee dalka Talyaaniga.

Juventus iyo Real Madrid ayaa final-ka Champions League caawa ku dheeli doona magaalada Cardiff ee dalka Wales, waxaana ay sidaas ku barbareeyeen AC Milan.

Labadan kooxood ee Real Madrid iyo Juventus ayaa final-ka caawa ay wada ciyaarayaan waxa uu u noqonayaa midkoodii lixaad ee koobkan tan iyo markii loo bixiyey magaca Champions League.

Min lix jeer ayey final-ka Champions League iska xaadiriyeen Juventus iyo Real Madrid waxaana ay sidaas ku barbareeyeen AC Milan oo ahayd kooxda kaliya ee ilaa sanadkii 1992-kii lix jeer iska xaadirisay final-ka Champions League, iyadoo saddex ka mid ah ku guuleysatay koobka.

Haddaba Juventus, Real Madrid iyo AC Milan ayaa ah saddexda kooxood ee ugu badan ee gaartay final-ka Champions League waxaana ay kama dambeysta koobkan tan iyo markii uu magacaas qaatay ay iska xaadiriyeen min 6 jeer.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan