PSG oo soo gabagabaysay xiisaha Alexis Sanchez iyo Bayern Munich oo kalsooni ku qabta inay dhammaystiri doonto saxiixiisa!

0
940

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay soo gabagabaysay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Le Parisien ayaa warinaya Paris Saint-Germain ayaa isaga baxday xiisihii ay u haysatay saxiixa xiddiga reer Chile ee Sanchez, waxaana ay majaladu leedahay PSG aad ayey ugu adag tahay inay qaadato isla markaana aad ayuu qaali u yahay.

Dhinaca kale kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa la soo sheegayaa inay kalsooni buuxda ku qabto inay la saxiixan doono weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

12-bilood ayaa uga harsan heshiiskiisa, kooxda Arsenal ayaana dooq u haysata inay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddigan reer Chile ama ay lumiyaan suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaaga soo socda.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa soo jeediyey inuusan iibin doonin xiddigan xagaaga soo socda, laakiin jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in kooxda Bayern Munich ay ku kalsoontay inay la wareegi doonaan laacibkan.

Sanchez oo kulan kasta kooxda Arsenal u saftay Premier League xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyey 24 gool isla markaana 10 gool oo kale caawiye ka ahaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan