VIDEO: 19 sanno ka hor Real Madrid oo finalka UCL ku garaacday, balse miyuu goolkaasi ahaa mid offside ah?

0
1570

Shabakadda Gool.Net ayaa idiin soo heshay goosgooska ciyaartii finalka UEFA Champions League sannadkii 1998dii ku dhexmartay kooxaha Juventus iyo Real Madrid.

Sababta aan muuqaalkaan dib idinku soo xusuusinay ayaa ah inuu daafaca kooxda Juventus Dani Alves tilmaamay in goolkii ay koobka ku qaaday Real Madrid ee uu dhaliyey halyeeyga reer Montenegro Predrag Mijatovic uu ahaa mid offside ah.

Labada kooxood ayaa markii labaad taariikhdooda foodda isku dari doona finalka UEFA Champions League, iyadoo markii ay finalka koobkaan isku wajaheen 19 sanno ka hor ay gacanta sarre lahaatay Los Blancos.

Balse markaan waxaa la joogaa caasimadda Wales ee Cardiff, Juventus ayaa isha ku heysa inay markii seddaxaad taariikhdeeda ku guuleysato koobkaan, halka Real Madrid ay dooneyso inay noqoto kooxdii ugu horreysay ee difaacata koobka UCL tan iyo markii magacaan loo bixiyey.

Halkaan hoose ka daawo goosgooska ciyaartii finalka UCL sannadkii 1998dii ku dhexmartay kooxaha Juventus iyo Real Madrid iyo goolka uu offside-ka ku tilmaamay Alves.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan