Booliska Talyaaniga oo sheegay in xalay Torino ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,500 oo Taageerayaal (Daawo kala cararkii dhacay)

0
1374

Booliska Waddanka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in ay dhaawacmeen taageerayaal kor u dhaafaya 1,500 ruux kuwaas oo xalay Piazza San Carlo ee Bartamaha magaallada Torino ee Talyaaniga ku daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Juventus iyo Real Madrid 1-4 ee Koobka Horyaallada Yurub.

Tobankii daqiiqo ee ugu dambeystay ciyaartii Juventus cashirka loogu dhigay ayaa waxaa mar qura yeeray dhawaaq iyadoo kaddibna dadkii faraha badnaa ay is buurteen xilli qof walba uu isku dayayay inuu naftiisa la baxsado.

Booliska Talyaanigu waxa uu xusay in ay haatan baarayaan waxyaabihii saxda ahaa ee dhaliyay in dhibaatadaasi ka dhex dhacdo dad si nabad ah shaashado waaweyn ka daawanayay ciyaartii xalay ee Champions League ee ka dhacday Cardiff.

Geba-gebadiina gurmadka deg degga ah ayaa soo gaaray barxaddii San Carlo ee Torino halkaas oo ay u soo gurmadeen dadkii dhaawacmay iyadoo kaddibna halkaa laga soo ururiyay Kabo fara badan oo ay ka carareen dadkii lahaa.

Carlo's Square in Turin which was abandoned when football fans watching the UEFA Champions League final soccer match between Juventus and Real Madrid, fled the area in panic

Juventus supporters evacuate Piazza San Carlo after a panic movement in the fanzone where thousands of Juventus fans were watching the UEFA Champions League Final 

An injured Juventus fan lies in San Carlo's square at the end of the Champions League final

 Taageerayaashii xalay ee Bartamaha Torino ku daawanayay ciyaartii Juventus РReal Madrid

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan