AC Milan oo isha ku heysa inay lasoo wareegto xiddig qadka dhexe uga ciyaara Real Madrid – xitaa taageere ayuu u yahay Rossoneri

0
2981

Xiddiga qadka dhexe ee u dhashay dalka Croatia Luka Modric ayaa wuxuu daaha ka qaaday in laga yaabo inuu xagaagaan isaga tago kooxda Real Madrid, waxaana ay wararku sheegayaan in kooxda weyn ee ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee AC Milan ay diyaar u tahay inay kusoo dhoweyso Serie A.

31 sanno jirkaan, ayaan markasta qarin taageerada uu u hayo kooxda Rossoneri, wareysi uu siiyey shabakadda Diario Gol dhowaan ayuuna ku sheegay inuu tan iyo yaraantiisii jeclaa kooxda Milan.

Modric ayaa tilmaamay inay macquul tahay inuu ka huleelo Los Blancos ka dib markii kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu Stadium uu kula guuleystay koobkiisii seddaxaad ee UEFA Champions League ahna midkii 12aad ee guud ahaan ay hanato Real Madrid.

Guddoomiyaha kooxda Milan Marco Fassone iyo Agaasimaha Ciyaaraha Massimo Mirabelli ayaana labaduba haatan diyaar u ah inay kulan la yeeshaan madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyagoo kala hadli doona heshiis ay kula soo wareegayaan gooldhaliyaha reer Spain Alvaro Morata, balse waxaa sidoo kale ajandaha wadahadalladooda lagu soo dari doonaa heshiiska Modric ku aadayo San Siro.

Luka ayaa dhowaan dhaliyey shaki ku xeyn daaban mustaqbalkiisa iyo inuu u socdo San Siro ka dib markii uu bartiisa Instagram ka jeclaaday maaliyadda cusub ee ay Rossoneri ku ciyaari doonto kulamadeeda minanka xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018 waxaana sawirkaas guud ee lagu soo bandhigay ku jiray wiilka ay isku dalka yihiin Mario Pasalic.

Qandaraaska uu Luka Modric kula jiro Los Blancos wuxuu dhacayaa 2020ka, waxayna wararku sidoo kale sheegayaan inuu xiiso u qabo tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti, kaasoo kusoo maamulay Real Madrid.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan