Barcelona oo bililiqo ka bilowday kooxda Borussia Dortmund, laba xiddig ayay kala wareegayaan

0
3846

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa markaan waxa ay udhaqaaqday sidii ay kusoo qaadan laheyd xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Ousmane Dembele. sidaasi waxaa qoray wargeyska Mundo Deportivo.

Barcelona ayaa horay waxa ay ugu guuldaraysatay in ay ula soo saxiixato 20 jirkaan xilli ciyaareedkii hore, Balse hadda waxa ay kalsooni buuxda ku qabtaa in ay in ay laacinkaan la soo saxiixato.

Kooxda Barcelona waxaa saxiixa xiddigaan usahlaya ka dib markii ay kooxda ka dhisan Jarmalka ay shaqadii ka ceerisay macalin Thomas Tuchel.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu shaki ku jiro mustaqbalka weeraryahanka xulka qaranka Gabon  Pierre-Emerick Aubameyang.

Tarababaraha cusub ee kooxda Barcelona ayaa wada qorshe uu kooxda mar kale dib ugu dhisayo, isagoona suuqa ka baadi goobaya ciyaartooy dhowr ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan