Kooxda PSG oo ku dhow inay la saxiixato mid ka mid ah xiddigaha Real Madrid… (Waa kee?)

0
1860

Kooxda Paris Saint-Germain ee waddanka Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa inay aad ugu dhowday inay dhammaystirto saxiixa xiddiga difaaca uga dheela Real Madrid.

Jariiradda Marca ee ka soo baxda Spain ayaa warinaysa in Pepe uu bilaash ugu biiri doono kooxda PSG maadaama heshiiskiisa Real Madrid uu ku eg yahay dhammaadka bishan isla markaana kooxda ka dhisan magaalada Madrid aysan diyaar u ahayn inay qandaraas cusub ka saxiixato.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in kooxda Inter Milan oo doonaysay xiddigan ay ku guuldarreysatay maadaama ay u badan tahay inuu ku biiro kooxda macallin Unai Emery.

Sida la fahansan yahay Pepe ayaa heshiis labo sanadood ah u saxiixi doona PSG, kaddib markii wakiilo ka socday kooxda ka dhisan caafimadda Faransiiska ay Cardiff kula kulmeen Sabtidii la soo dhaafay wakiilka ciyaaryahan Pepe.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan