VIDEO: Daafaca Real Madrid Marcelo oo timaha ka xiiray saaxiibkiisa reer Brazil Casemiro & Sababtana waa la ogaaday!

29
6542

Daafaca dambeedka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo Vieira ayaa wuxuu timaha ka xiiray Carlos Henrique José Francisco Venâncio oo loo garan ogyahay Casimiro oo ay u wada dhasheen dalka Brazil.

Arrintaani waxay dhacday ka dib markii ay Real Madrid ku guuleysatay koobka UEFA Champions League iyadoo Sabtidii natiijo 4-1 ah uga adkaatay kooxda Juventus ee ka dhisan dalka Talyaaniga.

Casemiro ayaa wuxuu ballan qaaday inuu timaha iska xiiri doono haddii ay Real Madrid difaacato koobka Champions League xilli ciyaareedkaan, taasoo markii dambe dhacday ka dib markii ay ku adkaadeen finalkii ka dhacay caasimadda Cardiff, gobolka Wales ee dalweynaha Britain.

Cristiano Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay Real Madrid ka dib markii uu caawinaad ka helay Dani Carvajal, balse Juventus waxaa goolkeeda barbardhaca u dhaliyey Mario Mandzukic ka hor inta aan la aadin waqtiga nasiinada.

Hase yeeshee, kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ayaa koontaroolka ciyaarta la wareegtay qeybti labaad, markii uu shabaqa usoo laabtay Casemiro. Ka dibna wiilasha tababare Zinedine Zidane ayaa laba gool kasii helay Ronaldo iyo Marco Asensio.

Taasi waxay uga filnaatay daafaca reer Brazil Marcelo inuu madaxa ka xiiro burburiyaha ay isku dalka yihiin Casemiro si uu uga soo baxo sharadkii uu galay ka hor inta aysan dhicin ciyaartaani.

Sidoo kale CR7 ayaa timaha xiirtay ka dib markii uu kooxdiisa Real Madrid ka caawiyey hanashada koobkoodii 12aad ee Champions League, balse lama hubo haddii ay la xiriirtay sharad uu la galay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

29 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan