Aabaha dhalay Romelu Lukaku oo u duulay Germany si uu wadahadal ula qaato kooxda Bayern Munich

0
615

Kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa kusoo biirtay kooxaha isku haysto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton Romelu Lukaku, kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

24 jirkaan oo hadda ku maqan waajibaadka qarankiisa Belgium ayaa dagaalkiisa waxa uu u dhaxeeya kooxaha Premier League iyo kooxda Budusliga ka dhisan ee Munich.

Sida ay qorayso majalada Manchester Evening News kooxda Bayern ayaa soo bandhigtay xiisaha ay uqabto laacibkaan, iyadoo la sheegayo in aabaha ciyaaryahan Lukaku uu duulidoono garoonka ay ku ciyaarto Munich ee Allianz Arena si uu wadahadal uu ula qaato masuuliyiinta kooxda Germany.

Kooxda Everton ayaanan rabin in ay ka iibiso ciyaaryahanka kooxaha horyaalka Ingiriiska ay ku xifaaltaaan ee Chelsea iyo Man United.

Lukaku ayaa dhaliyay 71 gool tan iyo markii uu ku biiray Everton sanadkii 2014kii, isagoona iska diiday mushaar dhan £140,000- isbuucii inuu kusii joogo kooxdiisa.

Lukaku ayaa doonaya inuu ku biiro koox ciyaareysa tartanka Champions League xili ciyaareeedka dambe, waxaa taas ay la micno tahay inuu ku biiri karo Bayern Munich.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan