Ac Milan oo si hordhac ah u shaacisay saxiixa sadexaad ee ay sameyn doonto dhawaan – waa kee? waa daafac bidix.

0
1059

Ac Milan ayaa xaqiijisay in daafaca bidix ee kooxda Wolfsburg Ricardo Rodriguez uu soo gaari doono San Siro dhawaan isla markaana uu noqon doono saxiixa sadexaad ee kooxda kadib Musacchio iyo Kessie.

Daafacaan reer Switzerland wakiilkiisa ayaa xaqiijiyay in macmiilkiisa uu wadahadalo kula jiro Milan isbuucii hore, kooxda ayaana si lama filaan ah barta twitter-ka ugu shaacisay inuu wadada kusoo jiro.

Waxey sameeyeen muuqaal yar oo si dadban loo fahmi karo, calanka Wolfsburg ayey ku sawireen laba (R) oo lagala jeedo Ricardo Rodriguez sidoo kalana daqiiqado yar kadib isku badalaya kalarka Milan ee Guduud iyo Madow.

Vincenzo Montella ayaa doonaya inuu soo celiyo hanaanka Milan, waxaana haatan dhiman qorshayaal kale oo lagu keenayo Morata iyo xidigo kale.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan