Antonio Conte oo kalsooni ku qaba saxiixa Leonardo Bonucci, mushaarkiisa ayaa lasoo bandhigay

0
1147

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa lasoo sheegayaa in uu kalsooni buuxdo ku qabo saxiixa daafaca kooxda Juventus Leonardo Bonucci.

Conte ayaa ku doonaya daafaca Italy lacag dhan £48m marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooy.

kooxda Chelsea ayaa xiddigaan doonaysay xilli ciyaareedkii hore, laakiin Juventus ayaa soo diiday saddex dalab oo ka yimid Bules.

Wargayska The Sun ayaa sheegay maanta in Conte uu doonayo inuu dib udhis xoogan kusameeyo kooxda Chelsea si ay u difaacdaan horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedka dambe.

Bonucci ayaa ka qaadan doona kooxda Chelsea haddii uu ku biiro mushaar  £115,000 isbuucii, waxaana loo gacan gelin doonaa qandaraas afar sanno ah.

30 jirkaan reer talyaani ayaa sidoo kale waxaa xiisaynaya kooxaha Manchester City, Manchester United iyo kooxda ku guulaysatay koobka Champions League ee Real Madrid.

Bonucci ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa uu ka caawiyay kooxdiisa in ay ku guulaysato horyaalka talyaaniga iyo coppa Italia, inkastoo qasaaro xanuun badan kala kulmeen Finalka tartanka Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan