Macallinka Barcelona ee Ernesto Valverde oo doonaya inuu Angel di Maria dib ugu soo celiyo Spain… (Yaa ka gacan siinaya?)

0
1148

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa doonaya inuu xagaagan garoonka Camp Nou keeno xiddiga Paris Saint-Germain ee Angel di Maria.

Valverde oo shaqada kooxda reer Spain bishii hore ka bedelay macallin Luis Enrique ayaa la fahansan yahay inuu isbedel ku samayn doono kooxda Barca oo uu xiddigo ka diri doono kuwo cusubna ku soo biirin doono.

Waxaa la rumaysan yahay in macallinkii hore ee Athletic Bilbao Valverde uu dib ugu soo celinayo dalka Spain laacibka Angel di Maria, waxaana arrintaas ka gacan siinaya tababarahan xiddigaha ay isku xulka yihiin Di Maria ee Lionel Messi iyo Mascherano.

Sida uu warinayo warsidaha La Parisien Valverde ayaa go’aansaday in xiddiga xulka qaranka Argentina uu yahay bartilmaameedkiisa koowaad suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaagan, isagoo maamulka kooxda u sheegi doona inay wadahadal la furan kooxda ka dhisan Paris.

Di Maria ayaa 39 gool u dhaliyey Real Madrid kaddib 190 kulan oo uu u saftay intii u shaxaysay sanadihii 2010 ilaa 2014, ka hore in uusan ku biiri PSG xagaagii 2015-kii, markii hal xilli ciyaareed oo uu ku soo qaatay Manchester United, halkaasoo wiilka reer Argentina uu ku guuldarreystay inuu saldhigto.

29-sano jirkaan ayaa 14 gool u dhaliyey tartammada oo dhan kooxdiisa PSG intii lagu guda jiray xilli ciyaareedka 2016-17.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan