Halyeyga Inter Milan Javier Zanetti oo kashifay sababtii ka dambeysay inuu iska diiday Man Utd & kulan uu la qaatay Sir Alex

0
1192

Kabtankii hore ee kooxda Inter Milan Javier Zanetti ayaa sheegay in jaceyl uu uqabay kooxda Inter ay ka hor istaagtay in uu ku biiro kooxda Manchester united.

Zanetti ayaa inter Milan usaftay 850 kulan intii udhaxaysay 1995 ilaa 2014, waxaana marar badan lasoo bandhigay fursad uu kaga dhaqaaqi karo kooxda inter Milan, laakiin waa uu iska diiday.

Isagoo la hadlaayay Four Four two Zanetti ayaa sheegay in ay mar ku wada kulmeen garoon diyaaradeed macalinkii hore ee kooxda Red Devils  Sir Alex Ferguson.

“waxa uu yiri” waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay in Manchester United I dooneysay aniga, ”mar ayaan isku aragnay Alex Ferguson garoon diyaaradeed xilli aan England la joogay xaaskeyga.

“waxaynu ka wada hadalnay wax kusaabsan kubada cagta, laakiin mar walba waxa ay fikradeydu aheyd inaan sii joogo Inter Milan.

”wuxuu ii sheegay in ay I dooneyso kooxdiisa, lakaiin way adkeyd in aan ka dhaqaaqo Inter Milan oo aan u qabay jecel weyn.

Zanetti ayaa kula guulaystay kooxda Inter Milan shan horyaalka oo Serie A ah afar Coppa Italia ah, iyo Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan