Juventus oo Qandaraaska u kordhisay Tababareheeda Massimiliano Allegri

0
552

Inkastoo kooxdiisa Juventus ay dharbaaxo xun kala kulantay dhammaadii Koobkii Horyaallada Yurub ee 03/06/2017 markii ay Real Madrid 4-1 kaga badisay koobkiina halkaa ku qaadday ayaa haddana waxaa tababaraha Naadiga Juventus Massimilliano Allegri uu go’aansaday inuu heshiis cusub u kordhiyo Bianconeri.

Allegri oo kooxda Juventus yimid 2014 ayaa waxaa heshiiskan cusub ee uu saxiixay uu dhigayaa inuu sii joogo kooxda Juventus illaa sanadka 2020.

Tan iyo markii Allegri uu qabtay hoggaanka Juventus waxa uu kooxda u horseeday hanashada 3 Horyaalka Talyaaniga ah, 3 Coppa Italia ah iyo 1 Super Koobka Talyaaniga ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan