LIBAAX QOYAY BISAD HA MOODIN: Wakiilka Mario Balotelli oo cadeeyay in weeraryahankiisa ku biirayo kooxdan

1
3875

Wakiilka Mario Balotelli Mino Raiola ayaa sheegay in weeraryahanka Nice uu ka ciyaari doono kooxda Borussia Dortmund xili ciyaareedka 2017-18.

kooxda Bundesliga ayaa la rumeysan yahay in ay dooneyso lasoo wareegida weeraryahan cusub ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

waxa ay doonayaan in ay ku bedelaan Pierre-Emerick Aubameyang oo aan la hubin mustaqbalkiisa kooxda.

Aubameyang  ayaa qarka usaaran inuu ku biiro kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhisan France xili ciyaareedka dambe, kadib markii qiimo sare ay usoo bandhigtay weeraryahanka.

Raiola ayaa lagu arkay xarunta tababarka kooxda Dortmund Talaadadii shalay, waxaana la rumeysan yahay inuu kala hadlay mamaulka kooxdan sidii Balotelli ugu biiri lahaa Bundesliga.

wakiilka reer Portugal ayaa u sheegay jariirada Bild in Balotelli uu ka ciyaari doono kooxda Dortmund xili ciyaareedka soosocda.

“Balotelli waxa uu u ciyaari doonaa Dortmund ayuu ku celceliyay wakiilka caanka ah ee Mino Raiola.

Balotell oo 26-sano jir ah ayaa ku riyaaqay waqti wanaagsan waayihiisa kooxda Nice kadib markii uu hore ugu fashilmay kooxaha Liverpool iyo AC Milan.

Mario ayaa 23 kulan oo uu kasoo muuqday horyaalka Ligue 1, waxa uu dhaliyay 15 gool, laakiin heshiiskiisa garoonka Riviera Allianz ayaa dhacaya dhamaadka bishaan June.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan