Manchester United oo bedelka Wayne Rooney kasoo iibsaneysa Juventus, balse xiddigaan waxaa ku heysta Chelsea iyo Real Madrid!

0
2147

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso dhab ah u qabto xiddiga kooxda Juventus Paulo Dybala.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa isha ku haya inuu weeraryahan cusub keeno kooxdiisa si ay ugu tartanto hanashada koobab waa weyn xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018.

Liiska weeraryahannada uu doonayey Mourinho xagaagaan, waxaa ugu sarreeyey weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann. Balse Man Utd ayaa qaboojisay xiisaheedii ay u qabtay Griezmann ka dib markii uu doortay in uusan xagaagaan ka tegin kooxdiisa Atletico Madrid.

Haatan majaladda El Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa sheegeysa in xiddiga kooxda Juventus Paulo Dybala uu noqday bartilmaameedkii ugu dambeeyey ee Man Utd.

Tababaraha u dhashay dalka Portugal Mourinho ayaana wuxuu xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Dybala u arkayaa bedelka kabtan Wayne Rooney oo la filayo inuu xagaagaan ka tago kooxda ka dhisan Old Trafford.

23 sanno jirkaan Dybala ayaa waxaa sidoo kale doonaya kooxaha Chelsea iyo Real Madrid. Balse madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez wuxuu doorbidayaa inuu soo iibsado gooldhaliyaha AS Monaco Kylian Mbappe.

Dybala ayaa kusoo baxay mid ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan Yurub ee ka ciyaara weerarka tan iyo markii ay Juventus kasoo iibsatay kooxda Palermo sannadkii 2015kii, kuna darso inuu qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa heysata horyaalka Serie A bishii April ee sannadkaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan