AC Milan oo wadahadalo la bilowday wakiilka weeraryahanka Chelsea Diego Costa

0
806

Jorge Mendes ayaa kula kulmay agaasimayaasha Milan Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli magaalada Cardiff ka hor finalka Champions League, iyadoo la qorsheeyay in shir kale la qaato todobaadkan.

Milan ayaa xiiseyneysa inay seddex ciyaaryahan oo uu wakiil u yahay Mendes soo xero geliso, waxaana kamid ah Costa, weeraryahanka Porto Andre Silva iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid James Rodriguez.

weeraryahanka Torino Andrea Belotti, ayay ka gudbiyeen dalab £39 milyan ah, laakiin Torino ayaa soo diiday, iyadoo dooneysa qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah £ 87m.

Milan ayaa lacag badan ku qarashgareyn doonta suuqa kala iibsiga xagaagan, ka dib markii ay la wareegeen bishii April maalqabeenada reer Chinese ee Rossoneri Sport Investment Lux.

Costa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa ku laabashada Atletico Madrid, laakiin waxa ay umuuqataa in uu sii joogayo kooxdiisa xili ciyaareedkale.

Wakiilk weeraryahanka Spain Mendes ayaa xiriir xoog leh waxa uu kala dhaxeeya maalqabeenada cusub ee iibsaday kooxda AC Milan.

Bishii January Tianjin Quanjian ayaa ku dhawaatay saxiixa Costa , xiligaasoo loo balan qaaday inuu noqdo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan adduunka.

kooxaha Chinese ayaa hadda la yareeyay tirade ciyaartooyda ajaaniibta ah oo ay la saxiixan karaa, taasoo fursad siineysa AC Milan

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan