RASMI: Kooxda AC Milan oo ku dhawaaqday saxiixa Ricardo Rodriguez

0
1012

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay difaacii bidix ee naadiga Wolfsburg ee Ricardo Rodriguez.

Difaacan reer Switzerland ayaa soo gaaray garoonka San Siro waxaana uu qalinka ugu duugay kooxda AC Milan heshiis afar sanadood ah.

Kooxda AC Milan ayaa xaqiijisay saxiixa laacibkan waxaana ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay xiddigan oo xiran maaliyadda Milan, iyadoo soo raacisay qoraal kooban oo u dhignaa:-

“AC Milan waxa ay ku dhawaaqaysaa saxiixa Ricardo Rodriguez, kaasoo kaga yimid naadiga VfL Wolfsburg waxaana uu saxiixay heshiis afar sanadood ah oo ku eg ilaa 30 bisha June sanadka 2021.”

Vincenzo Montella ayaa doonaya inuu soo celiyo hannaanka Milan, waxaana haatan dhiman qorshayaal kale oo lagu keenayo xiddigo kale.

Ricardo Rodriguez ayaana sidaas ku noqday saxiixii saddexaad oo ay ilaa iyo hadda samaysay kooxda AC Milan kaddib Musacchio iyo Kessie.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan