Wakiilka Paulo Dybala oo ka hadlay xiisaha ay Manchester United u qabto saxiixa xiddigaan (Warbixin)

0
1939

Wakiilka weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa wuxuu ka hadlay xiisaha ay kooxda Manchester United u qabto weeraryahanka heerka caalami ee dalka Argentina.

23 sanno jirkaan Dybala ayaa waxaa xagaagaan lala xiriirinaayey inuu ka tegayo kooxda ka dhisan Turin, ka dib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay horyaalka Serie A.

Manchester United ayaa lala xiriirinaayey inay 85 milyan oo ginni kula soo wareegeyso gooldhaliyaha Atletico Madrid Antoine Griezmann balse qorshahaasi wuu fashilmay, haatan Red Devils waxay u weecatay soo xerogelinta gooldhaliyeyaal kale.

Wararka kasoo baxayey dalka Spain ayaa soo jeedinayey Arbacadii inuu Mourinho u arko Dybala bedelka ugu habboon ee kabtankiisa Wayne Rooney kaasoo lala xiriirinaayo inuu xagaagaan ka tago Man United, xitaa Man Utd ayaa xiisaha ay u qabto xiddiga reer Argentine waxay ka hormarisay Gareth Bale iyo Andrea Belotti.

Hase yeeshee, wakiilka Dybala wuxuu daaha ka qaaday inuu xiddigaani ku faraxsan yahay Juventus isla markaana uu iska diidi doono ku biirista kooxda ka dhisan Old Trafford.

Pierpaolo Triulzi oo la hadlay majaladda The Guardian ee dalka Ingiriiska ayaa laga soo xigtay: “Paulo wuxuu bishii April qandaraas cusub u saxiixay Juventus. Wuxuuna ku faraxsan yahay Turin”.

Man Utd ayaa sidoo kale isha ku heysa weeraryahanka kooxda Real Madrid Alvaro Morata xagaagaan, waxaase laga soo diiday dalabkeedii ugu horreeyey iyadoo la filayo inay dalab labaad oo ku dhow 60 milyan oo ginni ka gudbiso 24 sanno jirkaan oo isha ku haya inuu ka tago kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu Stadium.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan