Argentina oo guul ka gaartay xulka Brazil kulankii ugu horreeyey ee uu leyliyo tababare Jorge Sampaoli (Daawo Goosgooska)

0
3632

Xulka qaranka Argentina ayaa waxay guul 1-0 ah ka gaareen xulka qaranka Brazil ciyaar xiiso badan oo saaxiibnimo aheyd oo labadaan xul ku dhexmartay garoonka Melbourne Cricket Ground.

Kulankaan ayaa wuxuu ahaa midkii 108aad ee dhexmara labadaan xul ee waa weyn ee ka dhisan Koonfurta Mareykanka, kuwaasoo muddo dheer soo xifaaltamayey.

Argentina ayaa waxay goolkeeda guusha dhalisay daqiiqadii 45aad ee dhammaadkii qeybtii koowaad ee kulankaan, waxaana u dhaliyey xiddiga qadka dhexe ee kooxda Sevilla Gabriel Mercado.

Goolkaas uu dhaliyey 30 sanno jirkaan ayaana qeybtii hore lagu kala nastay. Xulka Brazil ayaana waxay iska qasaariyeen fursado dahabi ah iyadoo Gabriel Jesus iyo Willian ay labaduba birta garaaceen daqiiqadii 63aad.

Xulka Argentina ayaana adkaaday kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyey ee uu tababare Jorge Sampaoli leyliyo xulka qaranka dalkiisa tan iyo markii uu kasoo tegay kooxda Sevilla.

In ka badan 95 kun oo taageereyaal ah ayaana kulankaan usoo daawasho tegay kaasoo ka dhacay garoonka Melbourne Cricket Ground ee dhaca Australia.


XULKA BRAZIL EE WAJAHAY ARGENTINA: Weverton, Fagner, Silva, Gil, Filipe Luis, Fernandinho, Augusto, Coutinho, Paulinho, Willian, Gabriel Jesus.

KEYDKA: Ederson, Diego Alves, Jemerson, David Luiz, Alex Sandro, Rafinha, Rodrigo Caio, Giuliano, Taison, Diego Souza, Rodrigo Eduardo Costa Marinho, Douglas Costa.

XULKA ARGENTINA EE WAJAHAY BRAZIL: Romero, Mercado, Maidana, Otamendi, Biglia, Di Maria, Gomez, Banega, Higuain, Messi, Dybala.

KEYDKA: Guzman, Rulli , Fazio, Mammana, Tagliafico, Fernandez, Paredes, Acuna, Lanzini, Salvio, Correa, Gomez, Rodriguez, Alario, Icardi.

 

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan