RASMI: Kooxda Inter Milan oo macallin cusub magacaabatay… (Goormee la soo bandhigayaa?)

43
1870

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in macallinkii hore ee Roma Luciano Spalletti uu yahay tababarahooda cusub, waxaana uu shaqada ka bedelay Stefano Pioli.

Waxa uu macallinkan cusub ee Luciano Spalletti uu Inter Milan u saxiixay heshiis labo sanadood ah, waxaana sida ay kooxdu shaacisay saxaafadda loosoo bandhigi doonaa maalinta Arbacada ah ee soo aaddan.

Macallinkan cusub ee 58-sano jirka ah ayaa waxa uu tababarkiisa ugu horreeya ee kooxda Inter Milan ka soo muuqdan doonaa 3 bisha July ee soo aaddan.

Waxa uu Luciano Spalletti kaga soo biiray Inter Milan kooxda AS Roma ee isla dalka Talyaaniga.

SHARE

43 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan