Chelsea oo heshiis la meel dhigtay daafac Juventus Leonardo Bonucci , wakiilkiisa ayaa u duulaya London

0
1633

Chelsea ayaa u soo bandhigtay heshiis daafaca Juventus Leonardo Bonucci, sida uu sheegay wariye Talyaaniga ah ee Tancredi Palmeri.

Antonio Conte ayaa taageere weyn u ah daafaca heerka caalami ee dalka Italy Bonucci, kaasoo macalin uu ugu soo noqday kooxda ka dhisan Serie A.

Tababaraha Chelsea ayaa isha ku haya inuu keeno 30-sano jirkaan garoonka Stamford Bridge xagaagan si uu ugu xoojiyo safafka daafaciisa.

Palmeri ayaa aaminsan in wadahadalo horay uu dhaxmaray Bonucci iyo wakiilada Chelsea.

Waxa uu sheegay in heshiis £ 5.7m ah xili ciyaareedkii miiska loo saaray, iyadoo £ 57m loo bandhigay kooxda Juventus.

“Chelsea ayaa u soo bandhigtay heshiis € 6.5m markale Bonucci iyadoo lasiin doono kooxdiisa lacago u dhaxeeya €60-65m,”sida uu Palmeri kusoo qoray bartiisa Twitter.

Warar ka soo baxaya Italy ayaa sheegaya in Chelsea ay sarre u qaaday xiisihii ay u qabtay daafaca Juventus Bonucci.

Sida laga soo xigtay La Stampa, wakiilka daafaca kooxda Juventus Alessandro Lucci ayaa dhawaan usafraya London si uu wadahadalo ula yeesho wakiilada Blues.

Tababaraha kooxda Juventus Max Allegri ayaa dalbaday in Bonucci la iibiyo xagaagan ka dib markii qilaaf uu ku yimid xiriirkii labada shaqsi.

Horaantii todobaadkan, The Sun ayaa sheegtay in Chelsea bixin doonto qiimo £ 48m ah oo lagu daray ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nemanja Matic.

Bonucci ayaa heshiiska uu kula joogo Juve waxa uu dhacayaa 2021.

 

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan