Marco Verratti oo kala doortay kooxdii uu ku biiri lahaa Real Madrid ama Barcelona xagaagaan (Warbixin)

0
6766

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu ku biiro kooxda Real Madrid bedelkii uu u dhaqaaqi lahaa kooxda Barcelona, sida ay wararku sheegayaan.

Labada kooxood Barcelona iyo Real Madrid ayaa labadaba si xoogan loola xiriirinayaa kubadsameeyaha kooxda PSG Marco Verratti.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Italy Verratti ayaa wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda qadka dhexe ee ugu wanaagsan adduunka sannadihii ugu dambeeyey, wuxuuna PSG ka caawiyey inay maamusho horyaalka Ligue 1.

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaana saxiixa Verratti ku dagaalamayey xagaagaan oo dhan, iyadoo koox kasta ay usoo bandhigtay qorshe ay ku qanciso si uu ugu soo biiro. Majaladda Diario Gol ayaana haatan sheegeysa inuu doorbidayo ku biirista Los Blancos.

Inkastoo ay Real Madrid heysato kooxaha Toni Kroos iyo Luka Modric hadana Verratti ayaa qarka u saaran inuu kusoo biiro Real Madrid maadaama uu kooxdaas ka doortay Barcelona. 24 sanno jirkaan ayaana dhabarka xijin doona Barcelona oo u aragtay bedelka Andres Iniesta.

Verratti waxyaabaha uu Los Blancos ku doofrtay waxaa ugu horreeya maamulka tababare Zinedine Zidane kaasoo kooxdaan ka dhigay mid koobabka waa weyn ku guuleysata tan iyo markii uu yimid kooxdaan, wuxuuna xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 ku guuleystay horyaalka La Liga iyo koobka UEFA Champions League.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan