Macallinkii hore ee kooxda Liverpool Brendan Rodgers oo ku aqal galay Scotland… + SAWIRRO

0
1739

Tababaraha kooxda kubadda cagta Celtic ee Brendan Rodgers ayaa ku aqal galay dalka Scotland.

Brendan Rodgers ayaa guursaday gabadha la yiraahdo Charlotte Searle, waxaana ay soo gabagabeeyeen muddo ay jaceyl wadaag ahaayeen.

Arooska macallin Brendan Rodgers iyo Charlotte Searle ayaa waxa uu ka dhacay Loch Lomond oo ah meel lagu ciyaaro ciyaaraha Golf-ka oo ku taala dalka Scotland.

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ayaa markiisii ugu horreysay gabadhan 34-sano jirka ah kula kulmay garoonka Anfield, halkaasoo ay ka shaqeynaysay sida wararku ay sheegayaan.

Rodgers ayaa sanadkiisii ugu horreeyey ee uu leyliyey kooxda Celtic iyadoo guuldarro la’aan oo aan hal kulan laga badin ku hoggaamiyey horyaalka dalkaas Scotland.

SAWIRRO:

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan