RASMI: Kooxda Bayern Munich oo la wareegtay laacibkii hore ee Arsenal Serge Gnabry

0
731

Naadiga Bayern Munich ee waddanka Jarmalka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay maanta inay dhammaystirtay saxiixa laacibkii hore ee kooxda Arsenal Serge Gnabry.

Bayern Munich ayaa laacibka reer Jarmal ka soo qaadatay naadiga Werder Bremen, halkaasoo uu ku biiray kal ciyaareedkii hore kaddib markii uu ka soo tagay garoonka Emirates.

Kooxda Bayern Munich ayaa saxiixa Serge Gnabry ku xaqiijisay barteeda Twitter-ka waxaana ay soo qortay: “DEG DEG: FC Bayern waxa ay la saxiixatay Serge Gnabry.”

Wararka horudhaca ah ee laga helayo heshiis ay Bayern Munich kula wareegtay Serge Gnabry ayaa sheegaya in Munich ay faraqa ugu shubtay kooxda Weder Bremen lacag dhan 8 milyan oo euro, sidaasna ku soo qaadatay laacibkan garabka ka weerar taga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan