WARBIXIN: Barcelona oo xilli hore soo afjareysa saxiixa Marco Verratti, qiimaha ay kula wareegeyso ayaa xitaa la ogaaday

0
3369

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 100 milyan oo ginni ah ka gudbin doonto xiddiga qadka dhexe ee reer Italy Marco Verratti ka dib markii xiddigaani uu u sheegay maamulka kooxda Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ka tago xagaagaan.

Wargeyska L’Equipe ee dalka Faransiiska ayaa faafiyey sirtaan, wuxuuna daaha ka qaaday in Verratti uu hadalkaan si shaqsi ah ugu sheegay agaasimaha cusub ee dhanka ciyaaraha ee kooxda PSG Antero Henrique, taasi waxay keentay inay Juventus sidoo kale kusoo biirto loolanka saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Mediaset Premium ayaa sheegeysa in Barcelona aysan waqti badan isaga lumin doonin inay dalab ka gudbiso Marco Verratti, sababtoo ah yabooh 100 milyan oo euros ah ayey berri oo Isniin ah miiska u saari doontaa kooxda PSG.

Ujeedka Barcelona wuxuu yahay inay saxiixa 24 sanno jirkaan ku garaacdo kooxda Juventus. Inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay PSG xiddigaan ku qiimeyso 80 milyan oo euros, hadana Barca ayaa isha ku heysa inay si dhaqsi ah usoo gabagabeyso saxiixa xiddigaan.

Paris Saint-Germain ayaa xiddigaan Verratti kasoo iibsatay kooxda Pescara sannadkii 2012kii, markaasoo ay 12 milyan oo euros kusoo qaadatay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan