XASAASI: Jurgen Klopp oo la kulmay wakiilka xiddiga lawada doonayo ee Kylian Mbappe

0
1208

Ololaha labaad ee Jürgen Klopp ee Liverpool ayaa ah sidii uu ugu qasbi lahaa Milkiilayaasha American-ka ee kooxdiisa iska leh in ay kooxda ka dhigaan mid u tartami karta Premier League.

xilli ciyaareedka 2017/18 Chelsea ayaa isku diyaarin doonta in ay difaacato horyaalka, halka Manchester City dhowr saxiix sameysay.

ciyaaryahano heer caalami ah oo ay kujiraan daafac bidix, daafac dhaxe, labo khad dhexe iyo weeraryahan tayo leh ayuu ka doonayaan maamulka Liverpool sida laga soo xigtay L’Equipe.

Xiddigaha uu doonayo waxaa ugu sareeya Mbappé, Klopp ayaana wadahadal toos ah la sameeyay wakiilka ciyaaryahanka reer France ee Mbappé.

Jurgen Klopp

Tababaraha kooxda Reds Jurgen Klopp ayaa sida muuqata kala hadlay wakiilada ciyaaryahanka da’da yar ee Moncao wax ku saabsan sidii xiddiga uu ku imaan lahaa kooxdiisa.

Liverpool ayaa ugaarsi ugu jirta da’yarkaaan, laakiin waxay dagaal xoogan kala kulmayaan Manchester United iyo Arsenal.

Arsene Wenger ayaa la sheegay in si gaar ah uu ugu rajo weyn yahay saxiixa Mbappe.

Jorge Mendes oo ah wakiilka Mbappe ayaa sidookale ka talinaya sidii ciyaaryahanka uu ugu dhaqaaqi lahaa garoonka Old Trafford, madaama xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Jose Mourinho.

sida laga soo xigtay L’Equipe oo aad ula socta xaalada weeraryahanka Mbappe, Klopp ayaa bishii lasoo dhaafay la kulmay wakiilka ciyaaryahanka.

18-sano jirkaan ayaa noqday qofka ugu sareeya ee suuqa kala iibsiga loogu doonista badan yahay xilli ciyaareedkan.

Mbappe ayaa ka caawiyay kooxdiisa Monaco in ay ku guuleysato Horyaalka Ligue 1, isagoo sidookale gaarsiiyay semi-finalka Champions League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan