XOG RASMI AH: Mustaqbalka Marco Verratti ee kooxda PSG oo go’aan laga gaaray & Laba koox oo durba ku dagaalamaya saxiixiisa

0
2266

Marco Verratti ayaa wuxuu ku wargeliyey maamulka kooxda Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu kooxda ka huleelo xagaagaan,s ida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe ee dalka Faransiiska, tani waxay farxad u tahay kooxaha Juventus iyo Barcelona oo hadda ku dagaalami doona loolanka saxiixiisa.

Cadadka wargeyska L’Equipe ee Axada ayuu wargeyska Faransiiska ah daaha uga qaaday in Verratti uu u xaqiijiyey agaasimaha cusub ee kooxda PSG Antero Henrique inuu doonayo inuu kooxda ka huleelo xagaagaan.

Wakiilka xiddiga heerka caalami ee dalka Italy ninka lagu magacaabo Donato Di Campli ayaa wuxuu muddo bilooyin ah sheegayey inuu xiddigaani ka huleeli dono horyaalka Ligue 1 maadaama tayadiisa uusan ku habbooneyn.

Verratti wuxuu doonayaa koox u tartami karta hanashada koobka UEFA Champions League, wuxuuna isha ku hayaa inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ugu xoogan Yurub, dagaalka saxiixiisa waxaa uu haatan si hordhac ah ugu dhexeeyaa Juventus iyo Barcelona.

Qiimaha ay PSG ku dooneyso xiddigaan waa 80 milyan oo euros, laakiin wuxuu ka yar yahay qiimihii ay Old Lady kusoo iibsatay Gonzalo Higuain sannad ka hor, kuna darso Verratti keliya waa xiddig 24 sanno jir ah.

Akadeemigga kooxda Pescara ayuu  xiddigaani kasoo baxay, taasoo ka iibisay PSG sannadkii 2012kii markaasoo ay ka bixisay 12 milyan oo euros, waxaana xusid mudan in uusan abid ka ciyaarin horyaalka Serie A maadaama markii ay kooxdiisa Pescara kasoo dallacday heerka labaad uu si degdeg ah ugu biiray caasimadda Faransiiska.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan