AC Milan oo silama filaan ah ugu dhaw saxiixa daafaca Man United Matteo Darmian

0
964

Manchester United ayaa loo bandhigay dalab kusocda dafaca reer Italy ee Matteo Darmian.

mustaqbalka Darmian ee koxda ka dhisan Premier League waxaa kujira shaki weyn xagaagan, iyadoo AC Milan wakiilo u dirtay kooxdiisa.

Jose Mourinho ayaa xilli ciyaareedkii hore boosas badan u adeegsaday daafacaan, laakiin ma muuqato sabab uu kusii joogo kooxda uu hogaamiyo macalinka Portugal.

Tancredi Palmeri oo ah wariye can ah oo ka hadlay xaalada suuqa Italy ayaa sheegay in AC Milan la xiriirtay kooxda ka dhisan Premier League si ay kala hadasho wax ku saabsan mustaqbalka daafacaan.

Waxa uu sheegay in kooxda Serie A ka dhisan ay u gudbisay United dalab £ 13.3m oo u dhigma (€ 15m) si ay ula wareegto 27-sano jirkaan.

Palmeri ayaa kusoo qoray bogiisa Twitter: “Manchester United ayaa lasoo xiriirtay Milan si ay kala hadasho wax ku saabsan Darmian, MUFC waxay dalbatay € 15m.

Darmian ayaa waxaa lasoo saxiixday macalin Louis van Gaal waayihiisii Manchester United, isagoo Torino kaga kenay £ 12.7m sannadkii 2015.

Darmian ayaa 68 kulan u saftay kooxda Manchester United laba xilli ciyaareed oo uu kusugnaa England.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan