Alexandre Lacazette oo shaaca ka qaaday kooxdiisa riyada… (Yaa ku jira Messi iyo Ronaldo?)

0
2615

Weeraryanka kooxda kubadda cagta Lyon ee Alexandre Lacazette ayaa shaaciyey kooxdiisa riyada ama doortay 11-ka ciyaaryahan ee uu u arko inay yihiin kuwa ugu fiican.

Xiddigan bartilmaameedka u ah kooxaha Premier League ee Alexandre Lacazette ayaa soo bandhigay kooxdiisa riyada ee ka kooban 11-ka laacib, waxaana ka soo muuqday Lionel Messi, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa laga waayey shaxdan.

Waxaana ku jira xiddigo hore oo u soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona sida Ronaldo, Zidane iyo Ronaldinho.

Lacazette ayaa waxaa la la xiriirinayaa oo aad u doonaya saxiixiisa kooxaha Premier League ee Arsenal, Liverpool iyo Manchester United.

Weeraryahanka Lyon ee Lacazette ayaa dhaliyey 37 gool xilli ciyaareedkii dhammaaday, taasoo keentay in kooxo badan ay u hanqal taagaan saxiixiisa, inkastoo kooxdiisu ay ku doonayso ugu yaraan adduun dhan 35 milyan oo pound.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kooxda riyada ee Lacazette, waxaana xiddigaha ugu badan ku leh kooxaha Real Madrid iyo Barcelona:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan