Cristiano Ronaldo oo magacaabay xiddiga dhaxlaya booskiisa marka uu ciyaaraha ka fariisto

0
3686

Cristiano Ronaldo ayaa amaan kala dul dhacay laakiin ay ka wada tirsan yihiin xulkiisa qaranka Portugal ee maanta  dhammaystiraya ku biiritaankiisa kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ee Andre Silva.

Andre Silva iyo Cristiano Ronaldo oo weerarka ka dheela labaduba ayaa dhaliyey 17 ka mid ah 22 gool oo uu xulkooda Portugal ka dhaliyey isreeb-reebka koobka Adduunka 2018.

Kabtanka Portugal ee Ronaldo ayaa aad ula dhacsan laacibkan ay da’da yar ee weerarka kala ciyaarta xulkiisa, waxaana uu aaminsan yahay inuu yahay laacibkii dhaxli lahaa booskiisa marka uu ciyaaraha heerka caalami ka fariisto.

Weeraryahka kooxda Real Madrid ee Ronaldo ayaa mar uu ka hadlay laacibkan Andre Silva, waxa uu u sheegay Gazzetta dello Sport: “Marka aan ka fariisto ciyaaraha, Portugal waxa ay ku jiri doontaa gacan ammaan ah, maxaa yeelay waxay heleen dhaliye wayn waana Andre Silva.”

Andrè Silva oo 21-sano jir ah ayaa ah laacib door kasta oo weerarka ah ka dheeli kara, wuxuuna xilli ciyaareedkii dhammaaday kooxdiisa FC Porto u dhaliyay 21 gool, halka uu xulkiisa Portugal 7 gool u saxiixay 8 kulan oo uu u saftay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan