Halkee ayuu ku dambeeyaa tababarihii laga cayriyey shaqada kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri?

0
1668

Tababarihii hore ee kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa la soo warinayaa inuu ku dhow yahay inuu macallin u noqdo kooxda Nantes ee ka dhisan waddanka Faraniiska.

Macallinkan reer Talyaani ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga cayriyey kooxda Foxes lagu naanayso bishii February, waxaana tan iyo markaas la la xiriirinayey inuu shaqo tababarenimo ka qaban doono Ingiriiska iyo Yurub.

Waxaa la werinayaa in macallin Ranieri uu raadinayay inuu sii joogo horyaalka Premier League, inkastoo kooxda Championship-ka ka ciyaarta ee Leeds United ay sidoo kale xiiseyneyso tababarahan halyeeyga ah.

Si kastaba ha ahaatee, jariiradda The Sun ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2015-16 uu ogolaaday heshiiska ah inuu qabto shaqada kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1, isla markaan lagu dhawaaqi doono heshiiska marka wax waliba la gabageeyo.

Tababarihii kooxda Nantes ee Sergio Conceicao ayaa isaga tagay isla markaana horaantii todobaadkan ku biiray naadiga FC Porto si uu macallin ugu noqdo kooxdaas ka dhisan dalka Portugal, Franck Passi ayaana hadda si ku meel gaar ah u haya xilka tababarenimo ee kooxda ku ciyaarta garoonka Stade de la Beaujoire.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan