Liverpool oo qarka u saaran inay gacanta kusoo dhigto mid ka mid ah garbaha duula ee kooxda Bayern Munich (Waana 26 sanno jir)

0
1419

Bayern Munich ayaa waxay shalay ku dhawaaqday inay lasoo wareegtay garabkii hore ee kooxda Arsenal Serge Gnabry, taasi waxay ka dhigan tahay inuu Douglas Costa haatan xor u yahay inuu ku biiro kooxda Liverpool, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Serge Gnabry ayaa wuxuu kasoo dhaqaaqay kooxda Werder Bremen ee ka dhisan dalka Jarmalka, wuxuuna heshiis seddax sanno ah u saxiixay kooxda weyn ee Bayern Munich.

Imaanshiyaha xiddigaan garabka ka ciyaara ee u dhashay dalka Germany ayaa waxay shaki weyn gelineysaa mustaqbalka garabka reer Brazil Douglas Costa kaasoo haatan la filayo inuu ka huleelo garoonka Allianz Arena xagaagaan.

Majaladda The Independent ee dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa in haddii Douglas Costa uu ka dhaqaaqo kooxda difaacaneysa horyaalka Bundesliga xagaagaan, ay markaas u badan tahay inuu ku biiri doono kooxda weyn ee reer England ee Liverpool.

Hase yeeshee, Reds waxay ku qasban tahay inay loolanka saxiixiisa uga adkaato kooxaha Juventus iyo Barcelona kuwaasoo isha ku haya saxiixa xiddigii hore ee kooxda Shakhtar Donetsk.

Qandaraaska uu 26 sanno jirkaan Costa kula jiro Bayern Munich ayaa wuxuu dhacayaa bisha June sannadka 2020ka.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan