Luis Figo oo dunida tayadiisa soo xusuusiyey iyadoo halyeeyada Real Madrid ay xasuuqeen dhiggooda AS Roma (Daawo Goosgooska)

0
2786

Luis Figo ayaa adduunka dib usoo xusuusiyey in aysan weli ka dhammaan tayadiisii ciyaareed, wuxuuna ka yaabsaday taageereyaal fadhiyey garoonka Santiago Bernabeu Stadium halkaasoo ay koox halyeeyo ah oo Real Madrid ah guul 4-0 ah uga gaareen koox halyeeyo ah oo laga soo xulay AS Roma.

Luis Figo ayaana wuxuu dhaliyey laad xor ah oo uu adduunka kusoo xusuusiyey inuu markasta ahaan doono mid tayo miiran ah.

44 sanno jirkaan ayaa wuxuu shabaqa ku shubay laadkaas xorta ah oo uu 20 yards kasoo toogtay, wuxuuna ahaa goolka labaad ee ay dhalisay kooxdiisa Los Blancos.

Saxiixyo badan oo Galacticos ah ayaa kasoo muuqday safkii halyeeyada Los Blancos waxaana ku jiray Luis Ronaldo, Roberto Carlos iyo Raul, kuwaasoo wehlinaayey halyeeyga reer Portugal Figo.

Halyeeyga reer Spain Fernando Morientes ayaana goolasha u daah furay Real Madrid isagoo madax cajiib ah dhaliyey. Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa goosgoos dhammeystiran oo ciyaartaas laga sameeyey.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan