RASMI: Kooxda AC Milan oo dhammaystirtay saxiixa Andre Silva… + SAWIRRO

49
5316

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa dhammaystiray saxiixa weeraryahanka xulka qaranka Portugal ee Andre Silva kaasoo ay 38 milyan oo euro uga soo qaateen FC Porto.

Silva ayaa ka dubay tijaabada caafimaad maanta oo Isniin ah ka hore inta uusan heshiis shan sanadood ah qalinka ugu duugin kooxda Milan.

Wadahadallada heshiiska uu xiddigan ugu soo biiray kooxda AC Milan ayay Porto iyo Rossoneri wada yeesheen habeenkii Axadda, taasoo keentay 21-sano jirkaan uu soo dhaqaaqo garoonka San Siro.

Weeraryahankan ayaa waqti wacan la soo qaatay kooxda Porto xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2016-17, waxaana uu u dhaliyey 21 gool 44 kulan oo uu u saftay.

Laacibka kooxda Real Madrid ee ay ka wada tirsan yihiin xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ammaan ugu qubeeyey laacibkan da’da yar kuna tilmaamay inuu yahay xiddigii booskiisa bedeli lahaa marka uu ka fariisto xulka Portugal.

Xiddigan dhan kasta oo weerarka ah ka dheeli ka ee Andre Silva ayaa xulkiisa Portugal u dhaliyey 7 gool 8 kulan oo uu u saftay.

Andre Silva ayaana sidaas ku noqday saxiixii afaraad oo ay samaysay kooxda Milan xagaagan kaddib Mateo Musacchio, Franck Kessie iyo Ricardo Rodriguez.

“AC Milan waxa ay ku dhawaaqaysaa saxiixa Andre Silva, kaasoo saxiixay heshiis ku eg ilaa 30 bisha June 2022” ayuu u dhignaa war kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka AC Milan.

 

SAWIRRO:

 

SHARE

49 Fikradaha Akhristayaasha

  1. si je peux rajouter un petite chose….je ne regarde que rarement mon interlocuteur, quand je suis dans le social…et pour ce genre de chose…. je cherche toujours un visuel indirecte…. l’individu se croit, hors de porter visuel… car le plus souvent, il vous fixera vous…. il est donc, plus sur et peu etre plus enclin a laisser paraitre un rictus vis à vis de vous

  2. I’ve been looking for this data and eventually located your blog. When you find yourself trying to get started with a task this is exactly the type of information that’s required. Having more writers join the discussion could be a advantage.

  3. Danke! Ja das mit den Gewürzketchups it so ne Sache. Normalsterbliche empfinden dies als scharf. Naja das lass mal so dahingestellt sein. Aber das mit den Jacki Saucen ist wahrscheinlich nur ein Zufall das die da stehen. In den anderen Supermärkten sind die nicht aufzufinden. Ein Chili-öl soll es da auch geben, habs aber noch nicht gefunden. Euch wünsch ich auch ein Erfolgreiches Jahr der Zucht.Feurige Grüße [email protected]

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan