Real Madrid oo calaameysatay bedelka Karim Benzema oo isaga tegi doona Los Blancos – mana ahan Kylian Mbappé!

0
3395

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku fikireyso inay lasoo wareegto mashiinka goolasha kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ee Real Madrid ayaa waxaa haatan diiradda u saaran xiddigo farabadan oo weerarka ka ciyaara, waxaana xusid mudan in Los Blancos laga diri doono xiddigo ku fashilmay inay wacdaro dhigaan.

Alvaro Morata ayaa liiskaas ugu horreeya kaasoo kusii jeeda kooxda Manchester United, tababare Jose Mourinho ayaana wuxuu weeraryahankaas ku qanciyey inuu kasoo tago Real Madrid maadaama uu magac weyn ku sameyn karo Old Trafford.

Tababare Zinedine Zidane ayaana wuxuu haatan kusoo baraarugay inay tahay inuu dhanka weerarka ka xoojiyo kooxdiisa oo hanatay koobka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Shabakadda Don Balon ee dalka Isbaanishka ayaana waxay haatan sheegeysaa inay Los Blancos isku diyaarineyso inay iska dirto weeraryahanka u dhashay dalka Faransiiska Karim Benzema.

Shabakadda Don Balon ayaana intaas ku dareysa inay maamulka kooxda Real Madrid bedelka Benzema u arkaan weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

Gooldhaliyaha Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang iyo garabka kooxda Juventus Paulo Dyubala ayaa sidoo kale diiradda u saaran tababare Zinedine Zidane.

Gooldhaliyaha reer Poland Lewandowski ayaase ah saxiixa riyada madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ka dib markii uu dhaliyey 30 gool 33 kulan oo uu saftay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan