Riccardo Orsolini oo ku guuleystay Kabta dahabka ah ee koobka Adduunka U20… (Kumaa noqday laacibkii ugu fiicnaa tartanka?)

0
1002

Weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka qaranka Talyaaniga ee  Riccardo Orsolini ayaa hantay kabta dahabka ah ee gooldhalinta koobka adduunka ee da’yarta, kaasoo shalay la soo afmeeray.

Kaddib uu dhaliyey 5 gool Riccardo Orsolini oo ay Juventus kasoo iibsatay Ascoli ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ee gooldhalinta koobka Adduunka ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 20-sano jirsada.

Xulka qaranka England ayaa ku guuleystay tartanka koobka adduunka ee U20 kaasoo shalay lagu soo gabagabeeyey dalka Koonfurta Kuuriya, halka xulka qaranka Talyaanigu uu ka galay kaalinta saddexaad.

Talyaaniga ayaa kaalinta saddexaad ka galay koobka adduunka ee xiddigaha da’doodu ka yar tahay 20-sano jirada kaddib markii kulankii loogu tartamayey kaalinta saddexaad ay rigooreyaal 3-1 kaga adkaadeen dhiggooda Uruguay.

Haddii Riccardo Orsolini uu ku guuleystay kabta dahabka ah ee gooldhalinta koobka Adduunka ee U20, da’yarka xulka qaranka Ingiriiska ee Dominic Solanke ayaa isna loo doortay laacibkii ugu fiicnaa tartanka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan